Clilstore Facebook WA Linkedin Email
Login

This is a Clilstore unit. You can link all words to dictionaries.

Asluubta wanaaagsan

ASLUUBTA WANAAGSAN

 

Asluubta ama anshaxa waa astaan dadka kala saarta oo haddii qofka dhaqankiisu wanaagsanaado waxaa la yiraahdaa qofkaas waa asluub wanaagsan yahay, hadduu xumaadana waxaa la yiraahdaa waa dhaqan xunyahay. Haddaba maxaan ku garan karnaa si qof loogu tilmaamo dhaqan wanaag ama dhaqan xumi? Waa maxayse asluubta, akhlaaqda, dhaqan wanaagsan? Maxaa cabbir u ah dhaqanka wanaagsan ee qof lagu tilmaamo? Arrimahaan oo dhan waa su´aalo uu qof kasta is weydiinayo.

 

Nabi Maxamed (s.c.w) asagoo la dardaarmaya nin ka mid ah saxaabadiis ayuu wuxuu ku yiri xadiis gaaban oo caddeynaya aragtida dheer ee uu leeyahay Nabi Maxamed(s.c.w). Micnaha xadiiska waxaan ku soo koobi karnaa saddex qodob oo muhiim ah.  Nabigu (s.c.w)  wuxuu yiri:-

 

 

Runtii xadiiskaan haddaan u guurgalno wuxuu soo koobayaa asalka iyo nuxurka ay xanbaarsan tahay diinteena, haddaan si kale u sheegno xadiisku wuxuu koobayaa fariinta ay diinteennu dadka u soo gudbineyso. Guud ahaan diinta Islaamku waxay nidaamisaa saddex arrimood oo muhiim u ah nolosha qofka intuu adduunka ku noolyahay, kuwaasoo kala ah: xiriirka qofku la leeyahay Ilaahey, xiriirku qofka la leeyahay dadka kale iyo xiriirka qofka la leeyahay naftiisa. Intuba waxay ku xusan yihiin xadiiskaas yarkaa ee Nabigu uu kula dardaarmay saxaabiga la oran jiran Abii Darra.

 

Haddaan mid mid uga hadalno saddex qoddob ee uu xadiisku ka hadlayo waxaan orankarnaa ama isweydiin karnaa:

 

Clilstore

Short url:   https://clilstore.eu/cs/3432