This is a Clilstore unit. You can .
Waxa la yiri beri baa habar-dugaag afarta jiho isaga timid oo ku soo shireen raq dusheed.
Dugaaggii oo shir u fadhiya ayaa libaax oo ah boqorka keymaha shirkii ka dhex kacay.
Cabbaar , ayaa uu marba hareeraha dayey oo hamaansaday.
Markii dambe ayaa uu waraabe dhegta soo qabtay.
Waxaa uu ku yiri "waraabow hilibka habar-dugaag u qeybi". Waraabihii oo baqaya hilibkana hunguri uga jiro ayaa yiri, " Hilibka qeybna libaax ayaa iska leh qaybta kalena habar dugaag".
Hadalkii oo aan afkiisa ka dhamaan ayaa libaaxii dharbaaxo la yaqaan ku dhuftay oo waraabihii il ka soo tuuray. Waraabe oo ishii ka laalaado ayaa meeshii ka luuday oo meel iska fariistay.
Libaax oo weli careysan ayaa dawaco ka soo istaagtay shirka dhexdiisii. Libaaxii waxaa uu ku yiri,"
Bal dawaco adna in aad dhaanto isku day in aad qeybiso hilibka."
Dawaco oo arkaysay wixii goobta ka dhacay ayaa qosol la dhacday oo tiri, "Hilibka qayb libaax baa leh."
Libaax baa soo booday oo yiri, "Qeybta kalena ?"
Qeybta kale waax libaax baa leh. Waaxda soo hartay fallar boqorkaa iska leh. Fallarka soo haray rimic libaax baa leh. Rimica kale miil libaax baa leh. Miilka soo haray habar-dugaag ha qeybsato, "ayey ku dhammeysay.
Libaaxii oo dhoosha ka qoslaya ayaa dawacadii ku yiri dawacoy yaa ku baray qeybinta. ?
Waxay ay ku jawaabtay , "Isha waraabe ka lulata ayaa i bartay".
Su'aalo
Short url: https://clilstore.eu/cs/3251